Somali

Soo dhawoow!

Macluumaadka inta badan la isticmaalo, sida isdiiwaangelinta, macluumaadka qadada ardayda, baska, technology-ga, iwm. ayaa ku qoran bogan, si qoysaska ay u helaan macluumaadka ay markaas rabaan.

Fadlan ogow: dhamaan website-yadeena lama tarjumo, si kastaba ha ahaatee button-ka Google Instant Translation ayaad taabsan kartaa si macluumaadka laguugu turjubaano.  Waxaan sidoo kale inoo jooga shaqaale ku hadla afka Somaliga oo caawiya dhamaan iskuuladeana.

Hadii aad wax su'aal ah qabtid, fadlan la xiriir Khabiirka Sinaanta/Equity Specialist Safia Abdirahman 952-681-6410 ama Sabdirahman@isd271.org

Caruurta da'doodu ay tahay 5 jirka ama wixii ka horeeyey September 1, waxay xaq u leeyihiin inay bilaawi karaan fasalka Kindergarten-ka. Diiwangelinta ardayga kindergarten-ka ah iyo ardayda ku cusub Iskuulaadka waa in laga diiwaangaliyo Iskuulaadka Dadwaynaha ee Bloomington ama halkaan Campus online registration system (OLR) ayaad ka diiwaan galin kartaa. Hadii aad caawinaad xaga diiwaangalinta u baahan, fadlan la xiriir iskuulka ay ilmahaaga dhigan doonan.

Qayb ka mid ah nidaamka diiwaangelinta ardayda ayaa ah inaad haysato waraaqahan iyo sharciyadan soo socda:

  • Cadaynta cinwaanka aad ku nooshahay ee Bloomington
  • Cadeynta talaalda
  • Shahaadada dhalashada ama wixii sharci ah ee aad ilmaha u heysid
  • Cadaynta imtixaanka qiimaynta/screening 

Diiwaangelinta Xiliga Summer-ka

Hadii aad dooneyso inaad ilmo diiwaangalisid inta lagu jiro summer-ka, fadlan online ka suubi diiwaangalinta. Hadii aad u baahan tahay in diiwaangalina lagaa caawiyo, fadlan booqo  Educational Service Center: 1350 W. 106th Street, email ku soo dir halkaan enrollment@isd271.org ama soo wac lamberkaan 952 681-6555. 

Macluumaadka Diiwaangelinta

Wareejinta Gudaha Degmada

Qoysaska doonaya inay ilmahooda ka badashaan iskuulka ay dhiganayaa kadibna u badashaan iskuul kale oo isla Bloomington ku yaala waa inay maraan nidaamaka wareejinta gudaha degmada. Sidoo kale hadii badalkaas loo ogolaado, waxaa waalidiinta lala socodsiinayaa in ardaydooda aanan la siin doonin wax bas, sidaa awgeedna ay tahay inay ayga  isku tashadaan..

Ardayda Hibada iyo Kartida/Gifted and Talented waxbarashada iyo ardayda dhigata barnaamijka Computer Science uma baahna in loo buuxiyo wareejinta gudaha degmada. maxaa yeelay ardaydaan waa loo qorsheeyey in loo badalo hadii loo baahdo. 

Codsiga Wareejinta Gudaha Degmada

Codsiga wareejinta gudaha degmada ee 2025-26 hada wuu xiran yahay. Ma jiraan codsiyo dheeraad ah oo la aqbali doono wakhtigan. Codsigaan wuxuu furmaa oo kaliya bisha 11aad oo kaliya.

Hadii aad u baahan tahay inaad codsigaas gudbisato waa inaad raacdaa nidaamkan soo socdo inta lagu guda jiro bisha November. 

Tilmaamaha Ardayda Hada ka Diiwaangashan Iskuulaadka Bloomington (Fasalada K-11)
  1. Waalidiinta ardayda hada dhigata waa inay booqdan halkaan BPS Login (si aad halkaan u gasho waa inaad heysataa macluumaadka lagu galo ee waalidka, hadii aadan heysan iskuulka ka codso)
  2. Dooro Infinite Campus
  3. Liiska bidix ka dooro More, ka dibna dooro School Choice.
  4. Geeska sare ee midig ah ee shaashada ka eeg in ardaydaada meesha ku qoran ay kuwaaga yihiin.
  5. Dooro iskuulka aad dooneysid inaad codsato. 
Tilmaamaha Loogu Talagalay Ardayda Kindergarteners-ka iyo Ardayda ku Cusub BPS
  1. Waalidiinta ama mas’uuliyiinta ardayda cusub waa inay online ka buuxiyaan Diiwaangelinta, oo ay ka mid tahay codsiga wareejinta gudaha degmada
  2. Marka aad diiwaangelinta suubinaysid, fadlan muuji inaad doonayso in ilmahaagu dhigto iskuulka aan ahayn midka dariska idinla ah.
  3. Buuxi inta ka hartay Diiwangelinta online-ka kadibna dirso. Hadii aad caawinaad u baahato, fadlan la xiriir iskuulka idinku dhow.
  4. Waxaad heli doontaa email kula socodsiinaysa in aanu helnay codsigaaga, ilaa laga aqbalayana waan heyn doona. 

Macluumaadka Wareejinta Degmada Gudaheeda

La Xiriir

Brenda Wibbens
Xoghayaha Kalkaaliyaha Kormeeraha Guud
952-681-6478
bwibbens@isd271.org

Diiwaangelinta Furan/Open Enrollment

Qoysaska aanan daganayn Bloomington laakiin raba in ardaydoodu ay dhigtaan mid ka mid ah iskuulaadka Bloomington waxay codsan karaan isdiiwaangelinta degmada. waxaa waalidiinta lala socodsiinayaa in ardaydooda aanan la siin doonin wax bas, sidaa awgeedna ay tahay inay ayga  isku tashadaan..

  1. Halkan ka buuxi Habka Diiwaangelinta online-ka ah.
  2. Buuxi Foomka Diiwaangelinta Furan oo ku soo dir siyaabaha soo socda:
    • Email: enrollment@isd271.org
    • Fax: 952-681-6465
    • Boostada: 
      Bloomington Public Schools 
      Attn: Alyssa Holliday
      1350 W. 106aad St.
      Bloomington, MN 55431

Macluumaadka Diiwaangelinta Furan

Iskuulaadka Dadwaynaha ee Bloomington waxay waalidiinta u suubiyaan erayga sirta/password kaas oo la ilaaliyo si ay ugu isticmaalaan account-ka waalidka ee ka heli karaan macluumaadyo  muhiim ah ee ku saabsan ardaydooda sida waxay halkaas ka arki karaan casharada ardaydooda, jadwalka fasalka, website-ka fasalka, wararka ama joornaalka ka soo baxa iskuulka, xaadirinta, macluumaadka ardayga, dariiqa shaqo ama kuliyada iyo macluumaadka baska.

Waxaad booqataa website-ka BPS kadibna waxaad doorataa Infinite Campus oo ah meesha aad ka heli kartid dhamaan macluumaadka ilamahaga iyo akhbaarada ku saabsan degmada. Hadii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo gelitaanka ama inaad iska badasho erayga sirta ah, riix “Forgot Username or Password?”

Iskuulaadka Dadwaynaha ee Bloomington qaybta Adeega Cuntada/ Food Services waxay ardayda siiyaan quraac iyo qado oo nacfi leh cuntadaas oo la siiyo dhamaan ardayda iyo shaqaalah maalin walba. 

Qiimaha qadada ee 2024-25

Cuntooyinka iskuulka ee sida quraacda iyo qadada waa bilaash. Hadii ay rabaan wax dheeraad ah, way gadan karaan.

  • Quraacda ardayga - BILAASH / $0.00
  • Qadada ardayga oo caano la socdo - BILAASH / $0.00
  • Qadada ardayga labaad oo caano la socda- $5.00
  • Qadada - $5.00
  • Caanaha kaliya- $0.50
  • Quraac dadka waaweyn / shaqaalaha - $ 2.40
  • Qadada dadka waaweyn/shaqaalaha - $5.00

Xasaasiyada Cuntada 

Fadlan booqo Adeegyada Cunada boga liiska cuntada Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xasaasiyada cuntada iyo si aad u barato sida loo soo sheego hadii ilmahaaga uu xasaasiyad uu ku leeyahay raashin.

Nambarka Account-ka Cuntada

Qoysasku waxay  Infinite Campus ka heli karaan PIN-ka ilmahooda (Lambarka Aqoonsiga Gaarka ah). Fadlan ka caawi ardaygaaga inay xafidaan lambarkaan ka hor maalinta koowaad ee iskuulka ay imaanayaan. Ardaydu waxay haystaan ​​lambarka koontada PIN-ka ilaa ay ka qalinjabiyaan ama ka tagaan degmada.

Lacagaha Cuntada

Credit card

Lacagta waxaad ku bixin karaysaa online adiga oo isticmaalaya credit card laakiin waa inaad account halkaan LINQ Connect ka samaysataa, adiga oo ka maamuli karaya lacaga ku baxaya adeegyada cuntada.

Check

Hadii aad check ku bixinaysid waa inaad ku qortaa ISD 271 waxaana keeni kartaa iskuulka caruurta ay kuu dhigtaan ama boostada ayaa soo dhigi kartaa adiga oo ku soo diraaya halkan: BPS Food Services, 1350 W. 106th St. Bloomington, MN 55431. 

Halka ay ku qorantahay memo, fadlan ku qor magaca ilmahaaga oo buuxa. Hadii aad ka bixinayso wax ka badan hal cunug, fadlan magacyada qor iyo lacta inta aad rabto inaad kala siiso. 

Lacag Cadaanka ah

Iskuulka lacag cadaan ah kaama qabanayaan oo lama ogola. Qoysaska doonaya inay bixiyaan lacag cadaan ah waa inay si toos ah u yimaadaan Food Service Office at 1350 W. 106th St. Bloomington, MN 55431 (ka soo gal albaabka 5) kadibna waydiiso inaad la kulmi karto ruux ka socda Food Services.

Ardaydu waxay xaq u yeelan karaan in wax laga dhimo kharashyada qaar ee mid ah waxyaabaha lacagta laga bixiyo sida baska marka ay feild trip aadayaan oo kale, ciyaaraha iskuulaadka lagu ciyaaro, iyo hawlaha tacliinta ama iskuulka ka baxsan. Dhamaan qoysaska waxaa lagu dhiirigelinayaa inay codsadaan Faa’iidada Waxbarashada si ay iskuulka oga caawiyaan inay helaan maalgelinta waxbarashada, qiimo dhimista iyo barnaamijyada kale ee cuntada ee faa'iido u leh dhamaan ardayda. Hadii aadan rabin inaad foomkana buuxiso, fadlan buuxi foomka diidmada. 

Foomka Codsiga Faa'iidada Waxbarashada

Foomka Diidmada

Halkan ayaad ka daabacan kartaa foomka oo warqad ah hadii aadan rabin inaad online ka buuxiso waxaana laga heli karaa website-ka degmada, markaa buuxiso kadibna waxaa keeni kartaa Xarunta Adeegyada Waxbarashada/Educational Services Center.

Shaqaalaha xafiiska caafimaadka ee iskuul walba oo degmada ku yaala waxay la shaqeeyaan ardayda, qoysaska, shaqaalaha, iyo bulshada si ay u horumariyaan caafimaadka ardayga iyaga oo loo marayo talaabooyinka soo socda ee guusha tacliinta:

  • Waxay marwalba la socdaan in ardayda ay u dhamaystiran yihiin talaaladooda
  • Waxay qorshe u suubiyaan caruurta taakuleen xaga caafimaadka u baahan
  • Waxay caafimaad oo degdeg ah siiyaan ardayda iyo shaqaalaha iskuulka
  • Waxay maamulaan daawooyinka
  • Ardayda daawooyinka wixii la mid ah iskuulka ku qaata ayey iskuulka ku siiyaan
  • Waxay marwalba ka warhaayan record-ka caafimaadka ee ardayda
  • Waxay hirgiliyaan barnaamijyada looga warhaayo ardayda caafimaad kooda
  • Waxay isku dayaan inay ka hortagaan cudurada faafa

Rugta Caafimadka ee Pond waxay bixiyaan adeegyada caafimaadka oo bilaash u ah qoysaska iyo ardayda Iskuulaadka Dadweynaha ee Bloomington. Waxaa la door bidayaa inaad balan qabsato, laakiin waad iska imaan kartaa hadii aad u baahan tahay. 

Si aad u ogaato saacadaha ay shaqeeyaan, fadlan booqo webpage-ka Rugta Caafimaadka ee Pond

Pond Center
9600 3rd Ave. S. - Ka Gal Albaabka 2
Bloomington, MN 55420
952-681-6277

Macluumaadka baska ardaygaaga waxaad ka heli kartaa Infinite Campus.

Dhamaan ardayda ee aanan daganayn meel loogu lugeyn karo iskuulka, waxay helaan bas geeya iskuulka. Hadii ay u jiraan iskuulka hoose 0.5 ama iskuulka dhexe iyo sare u jiro 1.25 ardaydaas bas ma helayaan. Waxaa jira barnaamij la yiraahdo Pay to Ride oo ah in ardaydaan ay heli karaan bas aad lacag ka bixinaysid oo loogu talagalay ardaydan, laakiin lama hubo in meesha ugu dhow ee uu soo istaagayo baska ay guriga u dhow dahay.

Hadii ilmahaagu helo ama uu ku jiro adeegyada waxbarashada gaarka ah, waxay xaq u leeyihiin inay helaan bas, wixii su’aal ah fadlan ruux u xilsaaran kiiska ilmahaaga ama la soo xiriir Student Services oo ah meesha laga xukumo waxbarashada gaarka ah 952-681-6504.

Xiriirka

Transportation Center
8801 Lyndale Ave. S
Bloomington, MN 55420
952-681-6300

Macluumaadka Gaadiidka

Gudiga Iskuulaadka ee Bloomington waa gudiga dejiya sharciyada Iskuulaadka Dadwaynaha  ee Bloomington. Inkasta oo Gudiga Iskuulaadka uu sharci ahaan masuul ka yahay barnaamijyada iyo hawlaha iskuulka, sidoo kale hooshooda qayb waxaa ka mid ah inay xukumaan Kormeeraha Guud ee iskuulaadka. 

Xubnaha gudiga iskuulaaka waxaa doorta jaaliyada dagan xaafadaas. Gudiga iskuulaadka laftiisa waxaa hogaamiya gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen oo ay doortaan xubnaha gudiga iskuulaadka.

Gudida Iskuulaadka waxa ka mid ah laba wakiil oo arday ah, kuwaas oo ka kala socda labada iskuul ee sare. 

Shirarka Gudiga Joogtada ah

Kulamada gudiga waxaa la qabtaa Isniinta afraad ee bil kasta saacadu markay tahay 7 p.m. Kulamada waxaa lagu qabtaa Arlene Bush Room of the Educational Service Center, 1350 West 106th Street, Bloomington, MN. Hadii fasax ku soo beegmo maalinta kulanka ee Isniinta ah, shirka gudiga waxaa la qabanayaa maalinta xigta ee Talaadada.

Maalmaha ay Jiraan Kulamada  iyo Dhageysiga Dadka Ka Soo Qeybgala

Kulamada lagu dhageysto dadka raba inay kulamadaas ka hadlaan waxaa la qabtaa Isniinta sadexaad ee bil kasta saacadu markay tahay 7 p.m. Gudiga iskuulka waxa uu martigelin doonaa fadhi dhegaysi ah 6 fiidnimo ka hor kulanka daraasadda, u ogolaanaya qoysaska degmada, ardayda iyo shaqaalaha inay faallo u soo jeediyaan Gudiga Iskuulaadka.

Waxaa Laga Soo Daaya BEC-TV

Kulamada caadiga ah ee Gudida Iskuulaadka waxaa si toos ah looga soo daayaa kanaalka BEC-TV, ka dibna waxa lagu soo celiyaa 1 subaxnimo, 7 subaxnimo iyo 1 galabnimo. maalinta xigta ee kulanka, iyo sidoo kale dhowr jeer ka dib usbuuca.

BEC-TV Live Stream

La Xiriir Gudiga Iskuulaadka

Email: SchoolBoard@isd271.org

Su'aalaha sidoo kale waxaad ku soo hagaajin kartaa:

Kimsure P. Lofton
Kalkaaiyaha Fulinta ee Kormeeraha Guud Iskuulaadka iyo Maamulka Gudiga
952-681-6402
klofton@isd271.org

Ujeedada Xafiiska Sinaanta Waxbarashadu waa in kor loo qaado fursadaha waxbarasho ee ka dhexeeya ardayda jinsiyadaha iyo dhaqamada kala duwan si kor loogu qaado guusha ardayga, iyo in tababar la siiyo shaqaalaha iyo waalidiinta si loo kordhiyo isdhexgalka iyo isfahamka xubnaha dadka ku kala duwan jinsiyada iyo dhaqamada ee jaaliyada Iskuulaadka Dadwaynaha Bloomington.

Hadii aan nahay Xafiiska Sinaanta Waxbarashada waxaan aaminsanahay in:  

  • Qof kastaa wuxuu leeyahay qiimo u gooni ah.
  • Ruux walba wuxuu xaq u leeyahay in loola dhaqmo si xushmad iyo karaamo leh.
  • Dhamaan shaqaalaha, ardayda, iyo qoysasku waxay xaq u leeyihiin in loola dhaqmo si cadaalad leh.
  • Shakhsi walba wuxuu masuul ka yahay falka uu galo.
  • Waxaa lagama horaan ah in bulshada ay helaan deegaan wanaagsan oo dagan
  • Deegaanka hadii uu yahay mid lagaa soo dhaweenayo wuxuu dhaliyaa inaad dareento in aad jaaliyadaas aad ka mid tahay.
  • Rajooyinka sare waxay kor u qaadaan natiijooyin sare.
  • Kala duwanaanshuhu waa hormarka bulshada.
  • Qoysasku waa xubin muhiim ah oo kamid ah hormarka waxbarashada caruurtooda.
  • Daacadnimada waa shay muhiim ah.
  • Waalid walba waxay xaq u leeyihiin inay luuqadooda hooyo ku codsan karaan macluumaadka ilmahooda ee iskuulka .

Xafiiska Sinaanta Waxbarashada
952-681-6420